Muqdisho(INO)- Dowladda Federalka Somaliya ayaa shaaca ka qaaday cida caqabada ku ah in lacago cusub ay soo daabacato Somaliya, xilli qorshe noocaasi ah ay wado Dowladda Somaliya.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Cali Caynte ayaa sheegay Bankiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta IMF ay caqabad ku yihiin in Somaliya lacago cusub ay soo daabacato.
Waxa uu sababta ku sheegay lacagta cusub marka la soo daabaco inay dhaceyso isbedel dhanka Dhaqaalaha ah oo uu imaanaayo sicir barar iyo sidoo kale in qarashaadka heli doodo ay noqoto mid adag.
“Waxaan rabaa inaan halkaan idin ku baraarujiyo, lacag ayaa la daabacaa marka la dhaho dadka ugu horeeya ee diidan waa Hay’adda lacagta aduunka (World Bank) iyo IMF oo sidoo kalena ay inooga xiran tahay deynta, waxay leeyihiin lacag ayaa la daabacaa maba maqli karno, sababtoo ah inta badan lacag daabacashadeeda waxa ay horseedaa sicir barar inuu yimaado oo wax waliba intii ay joogeen saddex jibaar laba jibaar ay noqdaan Somaliya inkastoo aanan laheyn Banki dhexe oo Koontaroola qiimaha waxyaabaha daruuriga ah ee lagu nool yahay.” Ayuu yiri Wasiir Caynte oo la hadlay Universal Tv.
Lacagta ugu weyn ee Somaliya hada laga isticmaalo ayaa ah shilinka Somaliga, taas ayaana ah mida ugu yar ee dalka laga isticmaalo, waxa ayna dad badan ku taliyeen in Dowladda ay soo saarto lacago cusub oo shilinka Somaliga ah.
Dhowr mar ayaa waxaa jirtay hadal hayn ku saabsan in Somaliya lacago cusub ay ku daabacday dalka Sudan, balse ilaa hada ma jirto arintaasi meesha ay ku dambeyso, hayeeshe Wasiir Caynte ayaa sheegay in arimaha caqabada ku noqday lacagahaasi Sudan lagu daabacay ay tahay arimo siyaasadeed.
Ugu dambeyntii, Qiimaha Shilinka Somaliga ayaa meesha ka sii baxaya, waxayna dadka si aad ah u isticmaalaan lacagta Doolarka iyo lacagaha (Electronic) oo meesha ka saaraya qiimihii uu lahaa shilinka Somaliga.