DFS Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Suuqa Bakaaraha

0
233

Muqdisho(INO)- Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay suuqa ugu weyn Soomalaiya ee Suuqa Bakaaraha oo mudooyinkan ku soo noqnoqdeen dabka baabi’iya Goobaha ganacsi.

Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka ciidanka dheeraadka ah lagu geeyay suuqa si looga hortago in marka dabka uu koco uu ku faafo meelo badqabtay markii hore.

Ciidamadan la geeyay Suuqa Bakaaraha ayaa isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid waxeyna saldhigyo ka sameysteen xarumo markii hore ay gudaha Suuqa iyo hareerihiisa ku lahaayeen Ciidanka dowladda Soomalaiya.

Waxaa jirta tuhun ay qabto dowladda oo la xiriirta suurta galnimada iney siyaasad ka danbeyso dabkii baabi’iyay dhawaan goobo ganacsi oo lagu qiyaasay tiradooda iney gaareysay 90 Dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomalaiyeed.

Suuqa Bakaaraha ayaa habeenkii Axada eheyd gelinkeeda danbe dab ka kacay wuxuuna saameeyay goobaha Maacuunta,Malabka,Digaaga iyo Suuqa Khaliifa oo kamid ah meelaha ay taalo hantida ugu badan ee leeyihiin ganacsatada Soomalaiyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqday shalay socdaal lagu waday inuu kutago suuqa Bakaaraha, lamana sheegin waxa baajiyay Safarka Madaxweynaha waxaana badalkiisa Suuqa tagay Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Nabad sugida Soomalaiya.