Muqdisho(INO)-Dowlada Soomaaliya ayaa cadeysay in ciidamada dowlada Kenya ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya sanadka 2017, kaasi oo qeyb ka ah hishiis ay gareen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo Soomaaliya.
C/raxmaan Cumar Hadliye, wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka qaateen xasilinta dalka dhibaatada dagaal ay ka taagnaayeen tan iyo sanadkii 1991, wuxuuna sheegay in ciidamada Kenya oo Somaliya soo galay 2011 ay la dagaalameen Alshabaab.
Isaga oo ka hadlay wasiir hadliye TV Citizen ee dalka Kenya wasiirka wuxuu sheegay in labada sano ee soo socota ay ku kalsoon yihiin iney dhismaan ciidamada qaranka Soomaaliya oo la wareegaya amaanka dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada AMISOM oo idil ay tahay xili aan wali la gaarin, laakiin ay dalka Soomaaliya ka bixi doonaan xiliga ciidamada amaanka Soomaaliya ay hantaan guud ahaan dalka.
Kenya ayaa ciidamadeeda usoo dirtay dalka sanadkii 2011 xiligaasi oo Alshabaab ay weeraro badan ka geysteen dalkaasi, laakiin Alshabaab ayaaa weerarada kusii kordhiyay dalka Kenya.
Idale News Online, Muqdisho.