DF Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso dagaal beeleedyo dib uga qarxay Gobalka Shabeellaha Hoose

0
206

Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo dagaal beeleedyada dib uga soo qarxay gobalka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimmatay in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacantay dagaalka shaley ka dhacay deeganka Shalanbood ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladan ayaa waxay u dhexeeyan maleeshiyaad kala taageersan labo beel oo degan gobalka.

Wasiirka gaashandhiga ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda aaney u dul qaadan doonin dagaaladaas in ay sii socdaan, wuxuuna ka dhawaajiyay ifafaalaha muuqda in uu yahay mid aan fiicneen.

Dagaalada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose waxaa dabada ka riixaya qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobalkaas iyo xildhino ka soo jeeda sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaaladan waa kuwa soo noqnoqday oo aaney jirin wax xal ah oo laga gaaray, waxaana dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamayo.

xaamud

 Idale News Online, Muqdisho.