DF Soomaaliya Oo Ka Digtay Weeraro Ay Fuliyaan Al-Shabaab

0
400

Muqdusho(INO)-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada oo si wada jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney muhiin tahay in dhalinyarada la qalday ka bar bar dagaalameysa Shabaab iney ka yimaadaan fikirkaasi baaqa nabadana qaataan.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada arimaha dibada Dowladda Somalia Dr Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in Shabaab ay ka soo gudbeen qarxinta Shacabka iyo Madaxda Dowladda hadana ay bilaabeen qarxinta goobaha cibaadada Alle,taasina ay muujineyso siduu hadalka u dhigay baaba’ooda.

Wuxuu sheegay in kooxaha argagaxisada ay hada falalkooda guracan u weeciyeen magaalada Barakeysan ee Maka Almukarama,qarxiyeena Meel ku dhow Masjidka uu ku duugan yahay Nabigeen Maxamed (NNKH).

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney meel kaga soo wada jeestaan argagixisada,islamarkaana ay la dagaalamaan.

Hadalkaan ayuu Wasiiru Dowlaha Wasaarada arimaha dibada Xukuumada Soomaaliya ka sheegay xilli dadweyne fara badan uu salaada ciida kula tukanayay Masjidka isbaheysiga magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.