Dekeda labaad ee Kismaayo

0
259

Meel aan ka fogeyn dekada weyn ee Kismaayo waxaa ku taala deked macmal ah taasi dhaqdhaqaaq ganacsi oo hor leh ku kordhisey magaalada.

Dekadani waxa ay ku taalaa halka loo yaqaano Qiil-Ma-Waaye, waxaana inta badan kusoo xirta doomo badeecooyin kala duwan ka keena dhamaan jasiiradaha gobolka Jubbada Hoose, illaa iyo Kenya.

Doonta waxa ay baroorsinka dhiganaysaa biyaha dhexdooda, kadibna dad xamaaliyaal ah ayaa kasoo daadgureynaya alaabta ay wado.

Markii KismaayoNews ay halkaasi booqatay waxaa la dajinayay dooni sidey alaabo uu ka midyahay geedaha dhismaha loo isticmaalo ee loo qayaano Qandalka sida aad sawirka ka aragtaan.

Waxaa jira askar ka socota maamulka oo halkaasi ka hawlgasha 24ka saac, waxaana jirta canshuur laga qaado alaabaha halkaasi kasoo degta.

Dad meesha ka ag dhawaa oo aan waraysanay waxa ay walwal ka muujiyeen in alaabaha kartoomada ku jira ee meesha ka dega aanan baaritaan lagu samaynin.

Jasiiradaha doomahani ay ka yimaadaan waxaa ka mid ah Madhawa, Juula iyo Jawaay, Kudhaa oo ay Shabaabka heystaan iyo meelo kale.

Halka ay doomaha kusoo xirtaan waa xeebta Calanleey, waxaana meesha usoo dabaal taga shacab badan oo magaalada ku dhaqan.

Tan oo kaliya ma ahan dekadaha macmalka ah ee ay wax ka degaan Kismaayo, waxaase naloo sheegey in ay jirto deked kale oo macmal ah oo lagu magacaabo Beach Club oo uu qaadka kasoo dego.

 

Idale News Muqdisho