Dekada Magaalada Kismaayo oo dib u howl gashey mar kale

0
226

Waxaa  markii ugu horeysey magaalada Kismaayo ku soo xirtey markab iyo dooni sidey agab kala duwan oo iskugu jira noocyada ganacsiga ee dadka reer Kismaayo u baahan yihiin, iyadoo tani ay tahay  markii ugu horeysey oo uu markab sida badeeco ganacsi uu ku soo xirto dekada magaalada Kismaayo tan iyo markii ay ciidamada wadajira ee Kenya iyo Somalida la wareegeen gacan ku haynta magaalada Dekada ee Kismaayo.

Amaanka Dekada ayaa aad loo adkeeyey, ciidamada Kenya oo hadda ku sugan Airport iyo Dekada magaalada ayaa sugaayey  guud ahaan amniga meelahaaasi, waxaana saacaha soo socda la filayaa iney bilaabato dejinta shixnadaha saaraan markabka iyo doonta ku xiran dekada Kismaayo.

Urur goboladeedka IGAD ayaa ku howlan maamul u sameynta Gobollada Jubooyinka ka dib markii xoogagii haystey deegaanadaasi in ka badan 4 sano halkaasi laga saarey, waxaana hadda ay si kmg ah u magacaabeen guddi kooban uu igu jira ururka Raskambooni iyo ciidamada dowlada ee qabsadey Kismaayo kuwaas maamuli doona maamulka guud ee gobalka oo ay ku jirto dhaqaalaha ka soo baxa dekada Kismaayo mudda lagu sheegey bil.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontey  idalenews@yahoo.com