Degmada Afgooye Oo Maanta Lagu Wado Inay Yeelato Maamul Cusub

0
236

Afgooye(INO)- Wararka Naga soo gaarayo  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan in maanta lagu wado in isbel lagu sameeyo Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

gaabow

Wariyayaasha ayaa goor dhow looga yeeray Xarun lagu wado inay ka dhacdo Xaflada lagu bedelaayo Maamulkii Degmada Afgooye ee uu hugaaminayey Xaaji Gaabow Cusmaan.

Wariye la hadlay  Warbaahinta INO ayaa sheegaya in maalmahan si weyn loo hadal haayey in sabadal lagu sameynayo Maamulka Afgooye isla markaana mid cusub loo magacaabi doono Maantana loo asteeyey inay noqotay in Maamulkaas si rasmi ah looga dhawaaqo.

Ugu dambeeyn aritan ayaa imaaneysa xilli dhawaan wasaaradda arimaha gudaha KG Soomaaliya ay sheegtey in Isbedelo lagu sameynay doono maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here