DEG DEG:Qarax AMISOM lagula eegtay Duleedka Deegaanka Buulomareer

0
212

Marka ( INO)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax xoogan Ciidamada AMISOM lagula eegtay duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shbaeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay Masuuliyaddiisa Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab iyagoo sheegay in khasaaro ay ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ku dileen 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM.

Dhinacooda ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM ay ka soo saareen Qaraxaasi kolanyadooda lagula eegtay Duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.