DEG DEG:Booliiska Paris oo ku hareeraysan koox hubeysan iyo Iska horimaad socda

0
261

Paris(INO)-Ciidamada Booliiska France ayaa saacado kahor weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen xubno la sheegay inay ka qeyb qaateen weeraradii Jimcihii ka dhacay magaalada Paris.

Iska horimaad ayaa ka dhacay guriga ay doonayeen inay booliiska gudaha u galaan oo ku yaal deegaanka Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris, iska horimaadka oo bilowday 4tii subaxnimo ayaa weli socda iyadoo hada goobtaasi soo gaareen ciidamada Militariga oo gacan siinaya Booliiska.

Dhamaan wadooyinka u dhaw guriga la sheegay inay ku jiraan kooxdan hubeysan ayaa la xiray, sidoo kale dowlada ayaa sheegtay in dhamaan xarumaha Waxbarashada iyo ganacsiga ee deegaankaasi maanta ay xirnaan doonaan inta uu hawlgalka socdo.

Xaafadan ayaa u dhaw Istadiyumka Paris oo kamid ah goobihii ay weerarada ka dhaceen Jimcihii lasoo dhaafay.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah Askartooda ay ku dhaawacmeen waxaana soo baxaya warar sheegaya in hada uu hal qof dhintay, macada in qofkaasi uu kamid yahay kooxda hubeysan ama askarta Booliiska.

Xog la helayo ayaa sheegaya in guriga ay ku sugnaayeen 4 qof oo midi tahay haweenay. Waxaana jira warar sheegaya in haweenaydaasi is qarxisay intuu iska horimaadka socday saacadihii hore, sidoo kalena labo nin ku dhinteen dagaalka, waxaana jira weli nin hubeysan oo goobtaasi ku sugan oo ay booliiska ku hareeraysan yihiin.

Booliiska weli si rasmi ah faah faahin ugama bixin khasaaraha, maadaama uu hawlgalka weli socdo.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in kooxdan hubeysan uu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdixamid Abaaud oo ah 28 sano jir kuna dhashay dalka Belgium kaasi oo horey loo maleenayey inuu ku maqan yahay Siiriya, ninkan oo kamid ah hogaanka ISIS ayaa la sheegayaa inuu ahaa shaqsigii dusha ka maamulayey kooxdii weerarka ka geystay Paris.

Weeraradii Paris ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa ka dhacay dhowr goobood oo kala gedisan waxaana ku dhintay dad gaaraya 129.

Wixii war ah oo kusoo kordha dhacdadan gadaal baan kasoo gudbin doonaa haduu eebo idmo

Idale News Online, Paris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here