Muqdisho(INO)- Ilaa 15 Xildhibaan ayaa maanta guddiga doorashada golaha shacabka u gudbisay araajidooda ku aadan in ay u tartamaan xilka guddoonka golaha shacabka ee dowladda federaalka ah.
Labo murashax ayaa araajidooda ku biiriyey xubnaha Xildhibaannada ah ee u tartamaya guddoomiyennimada golaha shacabka, labo kale ayaa ku biirtey tartanka ku xigeenka koowaad halka ku xigeenka labaad ay araajida gudbiyeen ilaa 11 xubnood.
Magacyada Xubnaha Xildhibaannada ah ee araajida laga qabtey waa:
Guddoomiye: Guddomiyaha baarlamaanka golaha shacabka waxaa isu soo sharaxey Xildhibaan Cabdifitax Maxamed Geesey Iyo idiris Cabdi Dhakhtar.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad: Guddoomiye ku xigeenka kowaad waxaa tartanka ku soo biirey Khadijo Maxamed diiriye iyo Faarax Sheekh Cabdiqadir.
Guddoomiyaha ku xigeenka 2aad: Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa ku soo biirey: Mahad Cabdalla Cawad, Burhaan Aden Cumar, Cabdulahi Xusen Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Xuseen Cabdi Cilmi, Cabdulahi Godax Barre, Jamaal Xasan Ismacil, Cabdullahi Cusman Ducaale, Cilmi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Aden Ibarhim iyo Maryan Axmed Harun.
Arbacadii ilaa 7 Xubnood ayaa araajida u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xubnaha ilaa iyo hadda isu sharaxay guddoonka golaha shacabka waxaa ay gaarayaan ilaa 22 xubnood.
Wararka, Baarlamaanka 10aad, kala soco, Idale News Online