DEG DEG:Al-shabaab oo dagaal la’aan kula wareegay gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

0
179

Ceelwaaqo(INO)– Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Alshabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab la wareegeen degmada iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin degmada iyo deegaanada ku xeeran, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab.

Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob muhiim ah, waxayna dhacdaa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan dhanka dhulka NFD.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degmadaasi ay  galeen gudaha dalka Kenya, iyaga oo isaga baxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Al-shabaab waxay sheegeen iney gelinkii dambe ee maanta gudaha u galeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo looga hadlayo la wareegida Alshabaab ee degmada Ceel-waaq.