Baydhabo(INO)- Waxa Magaalada Muqdisho Galabtan ka furmey Tartanka ciyaaraha Gobolada dalka kuwaasoo u dhexeeya maamul goboleedyada Dalka, waxaana furey Madaxweynaha Soomaaliya isla Markaana waxa halkaas fadhiyey Mas’uuliyiinta Dowlada, Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden.
Galabtan waxa ciyaarey Gobolka Banaadir iyo Xulka laga dayrinayey Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana koonfur Galbeed Lagu xaaqay 5 gool iyo waxba.
Ugu dambeyntii, Ciyaarteyda iyo Dhalinyada garaneyso Kubadda cagta ayaa waxay Idale News Online u sheegeen in laga tagey ragii garanayey ciyaarta isla markaana si qaldan loo xulay Ciyaartoodeyda Koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoona gebi ahaan laga reebey dhalinyadaa Gobolka Bakool.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.