DEG DEG : Xildhibaan Cabdi casiis Afar Indhood oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
255

Warar hordhac ah oo soo gaaray Shabakadda Idale News Online (INO), ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay goor dhaw ku dileen degmada Dharkiinleey Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka ayaa waxa dilay dabley ku hubeysnaa bistoolado waxaana lagu magacaabi jiray Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal.

Waa xildhibaankii labaad oo 24 saac gudahood lagu dilo Muqdisho shalay ayaa waxa la dilay Marxuum Ibraahim Riino iyadoo dhaawac uu soo gaaray Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux.

Wixii faah faahino intaan ka badan dib kala socon doontaan wararkeyaga Dambe.

breakingIdaleNews

Idale News Online