DEG DEG: Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamanka KGS Oo Ka Socoto Gudaha Madaxtooyada

0
236

Baydhabo(INO)- Waxaa hadda Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ka socoto  Dhaarinta xubno  Ka horsanaa dhismaha Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

breakingIdaleNews

Xaflada waxaa Fadhiyada Madaxweynha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan  Gollahiisa Wasiiradda, Odayaasha Gollaha Guurtadda, Maamulka Gobolka Bay , Ka Degmada Baydhabo,  Xildhibaano  Ka Tirsan Baarlamanka  Federalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Horey loo dhaariyey.

Khudbado ayaa hadda ay Jeedinayaan  Mas’uuliyiinta iyadoona Xildhibaanada ay yihiin kuwo odayaasha Dhaqanka Ee Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay hawlanyaan Soo Xulistooda.

Beelo iyo Siyaasin ayaa  Horey waxay  muujiyeen Cabashooyinka Ku aadan Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya qaabka loo wado, isla markaana Mid ka mid ah Beelaha wax ka diga Gobolka Bakool ay sheegtey inay dhismtey  Maamul Ka Madaxbanaaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Kaas durbaba Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo DFS ay ku tilmaameen Mid sharci daro ah.

Si kastaba ha ahaatee, horey waxaa Loo dhaarinta ilaa iyo 89 Xildhibaan iyadoona  Baarlamanka Dowlada Koonfur Glbeed Soomaaliya uu yahay Baarlamanka Ugu tirada Badan Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii,Xildhibaaanada  Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga fadhiyaan Dhawaan inay Dooryaan Gudoomiye iyo Xigeenadiisa iyo weliba inay  Keenaan  hindiso Sharciyeedyo lagu Hago Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warkan Waxii Ka Soo Kordho Kala Soco Wararkeeya Dambe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here