DEG DEG: Wararkii Ugu Dambeeyey Wanleweyne Alshabaab Oo La Wareegay iyo Ciidamada DFS Oo Isaga Baxay Degmadaasi

0
241

Wanlweyn(INO) – Wararka ka imanaya degmada Wanalaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay la wareegeen degmada Wanlaweyn oo magaalada Muqdisho u jirta 90km.

breakingIdaleNews

Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya magaalada Wanlaweyn ayaa sheegaya in guud ahaan magaalada ay maamulkeeda la wareegeen ururka Alshabaab kadib iskahorimaad kooban oo ku dhex maray ciidamada dowlada iyo ciidamada Alshabaab.

Adeega isgaarsiinta magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya hase yeeshee korontadii magaalada ayaa ka maqan sida ay Idale News Online u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Wanlaweyn.

Ciidamadii ku sugnaa magaalada ayaa la sheegay in intooda badan ay isaga baxeen ayna galeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo ku yaal duleedka degmada Wanlaweyn halka qaar kalana ay u soo baxeen dhinaca iyo degmada Afgoye.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada uu ku hayo deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo dowlada federalka oo ku saabsan xaalada degmada Wanlaweyn.

Kala soco Idale News Online wixii ku soo kordha wararka degmada Wanlaweyn

Idale News Online, Wanlweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here