Deg deg Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo xilka laga qaaday

0
200

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada G/sare Axmed Maxamed Cali (Afcadeey).

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Afcadeey gelinkii dambe ee maanta laga qaaday xilka, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo arrintan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto arrimo ku saabsan Ciidamadii Ilaalada u ahaa Guddoomiye Jawaari ee ka tirsanaa Ururka 60aad, kuwaasoo shalay Taliska Ciidanka xoogga uu ka qaaday, qaarkoodna uu xabsiga dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub la galeen Xarunta Baarlamaanka.

Taliye Afcadeey ayaa xilka Taliyaha Madaxtooyada dib loogu magacaabay sanadkii hore, markii xilka Madaxweynaha loo doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu horay dowladdihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ahaa Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilka Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada loo magacaabay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Odawaa oo horay u ahaa Abaanduulaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada.

Xiisada siyaasadeed iyo mida amni ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa u muuqata mid lugaha la galaya xaalado aan horay loo fileyn inay gaareyso, marka la eego saameynta ay ku yeelatay arrimaha ciidamada.