Ballicadde(INO) — Ciidamada Somaliland ayaa galay Tuulada Balli-cad oo shir uu uga socday mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo; iyadoo aanu wax khasaare ahi ka dhicin.
Madaxda maamulka Khaatumo oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulkaas Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa 30-daqiiqo ka hor intii aanay ciidamada Somaliland gelin halkaas ka baxay sida uu HOL u sheegay suxufi Zakariye Maxamed Ciise oo halkaasi ku sugnaa.
Mas’uuliyiinta Khaatumo oo la filayay in maalinta berri ah uga furmo deegaanka kulan uu ku baaqay madaxweyne Galeydh, waxayna aadeen dhinaca xadka Kililka Shanaad ee dalka Ithopia oo ku dhow tuulada Balli-cad.
Illaa hadda ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee Somaliland & dhanka Khaatumo oo haatan noqonaysa markii saddexaad ee ay shirar ku lahaayeen laga qabsado.
Tuulada Balli-cad oo qiyaastii 80-km kaga aaddan dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xarun u ahayd Khaatumo tan iyo sannadkii 2014-kii; markii sidaan oo kale looga cayrsaday tuulada Saax-dheer oo markaa loogu caleemo-saarayay madaxwaynaha Khaatumo.
Wixii Faahfaahin ah ee soo kordha waxaanu idiin kugu soo gudbin doonaa wararka Idale News Online ee soo socda haddii ALLE idmo.