Muqdisho(INO)— Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa diiday dalab uga yimid Maamul goboleedyada oo ahaa inuu ka qeyb qaato daabulida Xildhibaanadii lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada, kuwaasoo aan wali soo gaarin magaalada Muqdisho.
Dib u dhaca ku yimid waqtigii Xildhibaanada ay ku imaan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa sabab u noqday inuu baaqdo waqtigii la filayay in la dhaariyo Xildhibaanada oo ku beegneyd 15-ka bishan.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Qaramada Midoobey ay diiday diyaarado lagu daabulo Xildhibaanada lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada, kuwaasoo diyaarad la’aan ah.
Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa laga dalbaday inuu ogolaado diyaaradaha Qaramada Midoobey in Xildhibaanada looga soo qaado xarumihii lagu doortay, waxaana la sheegay inuu diiday, isagoo ugu baaqay maamul goboleedyada inay soo daabulaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanadooda.
Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa horay bixin jiray tasiilaadka diyaaradaha loo diri jiray Madaxda maamul goboleedyada ee ka soo qaadi jiray xarumahooda, isla markaana keenayay magaalada Muqdisho.
Waxaa xayiran Xildhibaanada lagu soo doortay Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe oo aan badankood imaan, halka Xildhibaanadii lagu soo doortay Jowhar ay safar dhulka ku yimaadeen, sidoo kale waxaa jiray xildhibaano kale oo Cadaado uga soo baxay diyaaradaha maalinlaha ee ka soo dhoofa.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa maalin ka hor diyaarad qaas ah oo ay laheyd Qaramada Midoobey uga soo ambabaxay Garowe ayaa waxaa soo raacay xildhibaano kooban iyo Ilaaladiisa oo dhowr iyo toban ruux gaarayay.
Diiwaan gelinta Xildhibaanada iyo shahaado siinta ayaa u socon sidii la filayay, waxaana illaa iyo hada la diiwaan geliyay illaa 128 Xildhibaan iyo sodomeeyo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana tani ay dib u sii dhigeysa jadwalkii horay loo soo saaray ee ku aadanaa xilliyada ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Baarlamaanka ayaa sheegay in kooramka uu ku furmi lahaa Baarlamaanka aan wali la heyn, isla markaana la diiwaan geliyay saddex meelood hal meel kaliya.
Si kastaba ha ahaatee shirka Madasha wada-tashiga ayaa la filayaa in laga soo saaro jadwal cusub oo ku saabsan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaana ay u badan tahay inay salka la gasho in horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017.