-
Golaha Wasiirada oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa waxa ay diirada ku saareen arimaha amniga, iyada oo sidoo kale kulanka warbixino looga dhageystay Wasiirada qaar ee Xukuumadda.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Golaha siiyay warbixin la xiriirta xaalada amni ee dalka gaar ahaan mida magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in magaaalada ay ku jiraan Gaadiid Qaraxyo sida.
C/raxman Iidan Yoonis oo ah Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laba gaari oo qaraxyo sida ay ku jiraan Magaalada.
Wuxuu sheegay mid ka mid ah gaadiidka qaraxyada ee Magaalada ku jira inu yahay NOAH loo ekeysiiyay kuwa ay leedahay Shirkadda Sahal oo ka hawlgasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho., kuwaasi oo la doonayo in lagu beegsado xarumo dowladeed.
Wasiir Iidaan ayaa shacabka kaga digay qatartaasi amni iyo inay ka feejignaadaan gaarigaasi NOAH ah iyo gaari kale oo qarax sida oo ku jira Magaalada gudaheeda.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa lagu amray inay soo qabtaan gaadiidkaasi qaraxyada sida ee Magaalada ku jira, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn halka rasmi ahan gaadiidkaan ay kaga sugan yihiin Magaalada gudaheeda.