DEG DEG: Maleeshiyada Al- Shabaab Oo Laga Laayay Dagaalyahaanadii Ugu Badnaa

0
415
Goof-Gaduud(INO)-Dagaal culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalka aya ka dambeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo Al-shabaab ayaa qaatay ku dhawaad saacad waxaana lasoo sheegayaa in mudada uu dagaalka socday ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka noocyadiisa culus.

Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif oo ah Abaanduulaha guud ee ciidanka Milliteriga dowlada Qeybta 60-aad ee Gobolkaasi ayaa sheegay in weerarka ay maleeshiyada uga dileen ilaa 15 maleeshiyaad oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday.

Ismaaciil waxa uu sidoo kale sheegay in tirada ay ka dileen Al-shabaab ay saameyn xoogan ku yeelan doonto waxa uu carab dhabay in weerarkaasi ay ku jabeen maleeshiyaadka.

Waxa uu sheegay in iminka ay hayaan cadeymaha meydadka maleeshiyaadkaasi waxa uuna intaa ku daray in ciidamada dowlada aysan ka waabaneynin Al-shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku aadan in dagaalkaasi looga dilay 15 dagaalyahaano.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay