Baydhabo(INO)- War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa si rasmi u joojiyay natiijadii doorasho 5 xildhibaano oo lagu doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii la ogaaday in ay ku soo baxeen hab aan sharciga waafaqsaneyn.
Halkan Ka Aqriso Magacayada & Qabiilada ka soojeedaann Xildhibaabada Gudiga Doorashada Heer Federalka ay diideen
- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed /Mirifle / Macalin Weyne/Heejooy
 - Nadiifo Aaden Isaaq/ Digil/5ta Caleemood/ Barbaare
 - Muna Khaliif Sheekh Abuu Digil/ Tunni/Daaqtire
 - Samra Ibrahim Cumar/ Mirifle/Geelidle/ Hibiloowe
 - Maxamed Saciid C/laahi Digil/ Bagadi/Abaasaad
 
                






