Muqdisho(INO)- Waxaa goordhaw soo gaarey warqabadka IdaleNews.com in guddiga doorashada golaha shacabka ay qabteen maanta araajida ilaa 7 qof oo u tartamaya guddoonka golaha shacabka.
Muraxiinta waxaa ay u kala tartamayaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeennadiisa koowaad iyo labaad
- Murashaxiinta u tartamaya guddoomiyennimada golaha shacabka waxaa araaji laga qabey guddoomihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sh. Cismaan Jawaari(Koofur Galbeed) iyo Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig(Jubbaland).
- Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa araajidooda la qabtey ilaa 4 murashax, kuwaas oo kala ah: Jeylani Nuur Iikar(Banaadiri), Saciid Xusseen Ciid(Puntland), Cabdweli Ibrahim Sheekh Muudey(Koofur Galbeed) iyo Khaalid Macow Cabdiqadir(Banaadiri)
- Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 2aad, waxaa ilaa iyo hadda warqadiisa gudbiyay Xildhibaan Cabdiqadir Sh. Cali Baqdaadi(Jubbaland)
Ugu dambeyntii, Doorashada gudoomiyaha baarlamanka Sooomaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhici doonto 11-ka iyo 12-ka bishaan Junuary: