Baydhabo(INO)- (INO)-Wajaigii 2aad Ee Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii 2aad Ka Socota magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka BAY.
Doorashada ayaa waxaa ay ka dhacaysaa hoolal ku yaalla Gudaha Madaxtooyada Dowlada KGS waxaana ergooyinku ay dooranayaan xildhibaanada.
Maanta ayaa waxaa la dooranayaa 2 xildhibaan oo kamid noqonaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya kuwaaso ay ka soojeedan Beesha Jiroon,
Kursiga Kowaad waxa ku tartamaya.
Macalin Cali Aadan iyo Maxamed Caanoy isxaaq.
Kursiga 2aad waxaa ku tartamaya
1. Axmed Xaaj maxamed (TAAW)
2. C/qaadir Xussen Xasan
3. Ugaas Isaaq Cali.
Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.