DEG DEG: Ciidamada Difaaca Ee Dowlada KGS Oo Gaarey Deegaanka Jazeera Ee Gobolka Shabellaha Hooe

0
241

Jazeera(INO)-Wararka laga helaayo deegaanka Jazeera ee duleedka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay sheegayaan in dowlada  Koonfur Galbeed, ay maanta keenay ciidan fara badan.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa waxaa maanta si buuxdo loogu arkayaa deegaankaasi, ka gadaal markii dagaal uu toddobaadkii hore uu halkaasi ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa uu horey u geeyay Dowladdda  Koonfur Galbeed.

Ciidamadan cusub, ayaa waxay xoojin u yihiin inay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda, haddii weerar hor leh ay ku soo qaadaan deegaanka Jazeera, oo Dowladda  Koonfur Galbeed ay sheegtay in uu isagu ka arrimiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo horey kaga biyo diiday in deegaanka Jazeera lagu daro dhulka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa walaac laga muujinayaa in markale ay halkaasi ku wada dagaalamaan.

Nabadoon C/laahi Cali Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaaka Jazeera, ayaa wuxuu labada dhinacba uu ugu baaqay inay xal ka gaaraan deegaanka Jazeera, lagana gudbo is qab qabsiga xuduudaha.

Nabadoonku wuxuu tilmaamay in dadka deegaanka ay ka walwalsan yihiin in markale ay isku dhacaan Ciidamada Muqdisho iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Idale News Online, Jazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here