Afgooye(INO)- Wararka laga helayo Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Madfac xoogan lagu dhuftay Gaari nuuca loo yaqaano Hoomeyda oo Dad Shacab ah ay la socdeen.
Gaarigan ayaa markii hoobiyaha lagu beegsanayay waxuu marayay Duleedka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose.
Hoobiyaha Gaarigan lagu burburiyay ayaa lagu eedeeyay in ay soo tuureen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Ugu yaraan 6 Ruux oo Gaariga la socday ayaa lagu soo waramayaa in ay geeriyoodeen.
Wararka ayaa sheegaya in Gaari oo dhan uu basbeelay.
Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisa AMISOM oo ay uga jawaabayaan eedeynta ku aadan in madfac ay ku beegsadeen Gaari Shacab.