DEG DEG: Aaden Ibrahim Dhaayow Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Haraaw

0
180

Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii seddexaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Aaden Ibrahim Dhaayow uu Ku guuleystey Kursiga  Beesha Haraaw oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

  • Mudane Aden Ibrahim Dhaayow ayaa ku guuleystay 50 cod
  • Daahira Maxamed Axmed 1 cod

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.