Iyadoo ay Bulshadda Soomaaliyeed hadal hayaan Shirka la filayo in dhawaan uu ka dhaco Magaaladda London ee Cariga Dalka Ingriiska ayaa waxaa Arintaasi si siman uga hadlay Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron iyo Xoghayaha Arrimaha dibada dalka Mareynkanka John Kerry.
Labada Mas’uul oo ka hadlay shirka lagu wado in bisha May uu ka furmo dalka Britain ee Soomaalida ay isku soo horfariisanayaan ayaa waxay ka yiraahdeen in rajada kulankaasi laga qabo ay wanaagsan tahay, islamarkaana Soomaalida aragtidooda ay ku mideyn doonaan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka John Kerry, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Maraykanka Isha ku heyso Wada Xaajoodka , waxa uuna Carabaabay in Dowladiisu aysan kala fogeyn doonin isu imaanshaha Somalia balse ay aqoonsan doonto Go’aanka ka soo baxa Shirka Britain, waxa uuna Meesha ka saaray in Soomaaliya ay tahay Labo wadan, isagoona cadeeyay in Soomaaliya aysan kala qeybsamin oo hal ay tahay.
Kerry, ayaa waxa uu Tilmaamay inay Dowladiisu ka Feerjignaan doonto Fashilka ku yimaada Shirka May ka dhici doona Britain, wuxuuna Xusay in Fashilkaasi uu sameyn ku yeelan doono Maraykanka.
David Cameron, waxa uu sheegay in Britain aysan Ahmiyad gaar ah ka laheyn Shirka balse ahmiyadooda ay tahay in la garabsiiyo Dowladda Somalia oo xiligani diyaar u ah inay wax la qeybsato Caalamka, wuxuuna si gaar ah Carabka ugu dhuftay in xili waliba ay diyaar u yihiin garabsiinta Dowladda Xassan Sheikh Somaliana ay u aqoonsan yihiin hal dal.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Camirun ayaa waxa uu isaguna meesha ka saaray in Dowladda Britain aysan Ahmiyad gaar ah siin doonin Diidmada Maamulka Somaliland ee Shirka Britain, wuxuuna sheegay in Go’aanka Axmed Siilaanyo uu dhiira galin u yahay Taageerida Dowladda Britain ee Somalia.
Idale News Muqdisho