Muqdisho(INO)-Dhinacyada beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin weerarkii dagaalyahano katirsan Al-shabab ay la bartilmaameedsadeen hotel-ka Saxafi halkaa oo ay kusugnaayeen masuuliyiin dowlada katirsan.
Nickolas Kay uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ayaa cambaareeyay weerakaasi Saxafi Hotel isagoo ku tilmaamay mid laga xumaado.
Wuxuu tilmaamay Nickolas Kay in weerarkani uu muujinayo sida dowlada Soomaaliya ay ugu baahantahay in laga caawiyo dhinacyada laamaha amniga.
“Waxay tani muujinaysaa baahida saaidka ah ee ay dowladu u qabto in laga cawiyo dhanka laamaha aminga, si ay dowladu u xoojiso dagaalka Argagixisada, waxaan tacsi udirayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi” ayuu yiri Nicklose Kay.
Dhanka kale dowlada Britain ayaa cambaareysay weerakani kadhacay Hotel Saxafi.
Haweenayda Britain uqaabilsan Soomaaliya Harriet Mathews ayaa tiri “Waa murug inaan maqlo weerarka Hotel Saxafi waxaan la murugoonayaa dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay.”
Ugu dambeyntii, Waxay qeexday in tani ay muujinayso sida uu muhiimga uyahay dagaalka Al-shabab.
Idale News Online, Muqdisho