Muqdisho(INO) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa ayaa sheegtay in 7,000 oo qof oo Soomaalidii Yemen Qoxootiga ku ahayd ah ay dib ugu laabteen laabtay Soomaaliya, isagoo xusay in xalaadda amaan ay ka soo raynayso xilligan.
Kay ayaa sidoo kale ka diray in dagaalyahanno ka yimaada Yemen ay Somalia soo gaaraan ayna ku biiraan Al-shabaab oo dalka ka wadda dagaallo sida uu sheegay ku ah khatar dib u soo noolaashada amniga Somalia.
“Waxaa loo baahan yahay inaan si dhow ula socono kana jawaabno jihaad-doonka doonaya inay kooxda Al-shabaab ku biiraan, kuwaasoo ay dhici karto inay Somalia kaga talaabaan Yemen,” ayuu hadalkiisa ku daray Nicholas Kay.
Sidoo kale, ergayga ayaa xusay in 7,000 ee Soomaalida ah ee dib ugu laabtay Soomaaliya ay xoogoodu ka baxeen Yemen bishii Maarso, kaddib markii boqortooyada Sucuudiga ay billowday duqeymaha ay kawaddo Yemen.
Qoxootigan kasoo laabtay Yemen ayuu sheegay Kay inay ku biirayaan 3-milyan oo qof oo ay Somalia ku haysay cunno-yari, kuwaasoo ay ku jiraan 730,000 oo qof oo aan awood u lahayn inay helaan nolol maalmeedkooda.
“Xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ka jirta waa mid u baahan in si dhaqso ah looga jawaabo,” ayuu yiri Kay. Isagoo Qaramada Midoobay ugu baaqay in laga jawaabo xaalada bani’aadamnimo ee Somalia.
Hadalka Kay ayaa imaanayaa iyadoo bishii Abriil ee sannadkan uu RW Somalia ka digay in qoxootiga Yemen ka imaanaya ay isku soo dhex-qariyaan kooxo uu xusay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa weli ka Talisa deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ku yaalla, kuwaasoo dagaallo kula jira dowladda, inkastoo deegaanno aad u badan laga saaray.
Dhanka kale, tiro hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeymo ay fuliyeen gudaha Somalia, iyadoo ugu dambeyn uu Kay ugu baaqay dalalka ku yaalla gobolka inay ka hortagaan khataraha Al-shabaab.
Idale News Online, Muqdisho