Dalka Polland oo mamnuucay Qalista Xoolaha. Arrintaaas waxay ka careysiisey dadyowga Muslimiinta iyo Yuhuuda ku dhaqan Poland

0
227

Dawlada Poland ayaa noqotay dalkii afraad ee si rasmi ah u joojiya gawraca xoolaha ee inta badan ay ku dhaqmaan dadyowga aaminsan diimaha Islaamka iyo Yuhuuda ee Tawraad, oo ah labada diimood ee shareeco ahaan loogu dhaqmo.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen Maxkamadda Sare ee dalka Poland ayaa shalay ku dhawaaqday in la joojin doono oo waddankaas mamnuuc ay ka tahay, gawraca xooluhu, taas oo meesha ka saaraysa hilibkii xalaasha ahaa ee jaaliyadaha Muslimiintu cuni jireen, waxa kale oo iyaguna waayi doona hilib xalaal ah dadka Yuhuuda ah.

Garsooraha maxkamada sare ee dalka Poland ayaa ugu mar marsiyootay inuu ka soo hor jeedo dastuurka dalkaas iyo hab dhaqanka xayawaanka, isaga oo ku dooday in gawracu uu meel ka dhac ku yahay, sharciga waddankaas, waxa kale oo uu xusay in si kama danbays ah loo mamnuuci doono.

Garsoorahan ayaa sheegay in sharcigaasi uu dhaqan gal noqon doono sanadka soo socda ee 2013-ka, waxaanu garsoorahani sheegay in sharcigaas loo fulinayo si uu dalkaasi ula jaan qaado, nidaamka xoolo qalista ee dalalka Midowga Yurub oo dhawaan lagu soo rogay waddamada doonaya, hasa yeeshee waxa uu xusay in sharcigaas rafcaan laga qaadan karo, isaga oo tilmaamay in rafcaan guud ahaan laga qaadan karo, marka uu dhaqan galo sharciga midowga Yurub ee qaliinka xoolaha.

Sida sharcigan ay isla qaateen waddamada reer Yurub dhigayo waxa qof kasta oo xoolo qalanaya ama digaag qalanaya looga baahan yahay, inuu ku turqo irbad nafta ka saaraysa, taas oo marka loo eego sida ay dhigayaan shareecada Islaamka iyo diinta Tawraad ee Yuhuudu aaminsan yihiin, aanay xoolaha, digaaga iyo wixii sidaa loo dilaa ahayn mid xalaal ah oo uu bakhti yahay.

Talaabooyinkan midowga Yurub iyo waddamada ka tirsani ka qaadanayaan gawraca xoolaha ayaa loo malaynayaa inay la xidhiidho, hilibka xoolaha ee xalalka loo yaqaano oo ah mid si waafaqsan diimaha Islaamka iyo Tawraad loo qalo, oo suuq wayn leh si laxaad lehna looga isticmaalo dalalka Reer Yurub, kaas oo ay ka ashkatoodeen shirkadaha hilibka qala ee dalalka midowga Yurub.

Hasa yeeshee jaaliyadaha Muslimiinta iyo Yuhuuda ayaa sharciyadan lagu mamnuucayo gawraca xoolaha ku tilmaamay, mid xad gudub iyo tacadi ku ah iyaga oo xuquuqdooda ku dhaqanka aaminaadooda ay ka soo horjeedaa, labada jaaliyadood oo laba bilood ka hor ka mudaharaaday, go?aan kan oo kale la mid ah oo maxkamada sare ee dalka Jarmalku ka qaadatay, ayaa ku tilmaamay mid ujeedada ka danbaysaa tahay arrimo ganacsi sidaa awgeed ay u arkaan in la doonayo in iyaga lagu khasbo hilib bakhti ah, laakiin ay diidyaan oo ay ka dhidhiyi doonaan haddii kalana dalalkii ay ka soo jeedaan ay ka soo waaridan doonaan hilib xalaal ah.

Dalka Poland waxa ka jira ilaa labaatan kawaan oo lagu gawraco xoolaha nool iyo digaaga, ay isticmaalaan dadka Yuhuuda iyo Muslimiinta ahi, sidoo kale waxa jira, kooxo dhakhaatiir ah oo iyaga laftoodu ku talinayay muddooyinkii u danbeeyay in lagu dhaqmo qaabka gawraca oo xoolaha la gawracaa ay ka caafimaad badan yihiin kuwa kale ee Suuxdinta lagu dilo oo dhiiga ku noqdaa caafimaad daro keeno.

Idale News Warso, Polland