Dalka Britian oo 61 Milyan oo Dollar ugu deeqey Somalia 3da Sano ee soo socota

0
243

Wafdi dowlada Britian ka socda oo ay hogaamineyso Haweeneyda Wasiirka ka ah Wasaarada Horumarinta iyo Arrimaha Afrika oo booqasho gaaban ku timid magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajisey in dowlada Ingiriiska ay ugu deeqday dalka Soomaaliya aduun gaaraaya 38 Milyan oo Pound Ingiriiska ah oo u dhiganta 61 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah. Lacagtaas la sheegey in loogu talo galey horumarint dhinacyada addeega bulshada, amaanka iyo cadaalada.

Wasiirada Britian Ms Justine Greening ayaa ku sheegtey shir jaraa’id la dib markii ay wada hadal la yeelatey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in dhismaha dowlada cusub ee Soomaaliya ay u Somalia fursad  lagu hormarin karo dalka guud ahaan isla markaasna lagu yareen karo dhibaato kale oo dalka ka dhaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ka hadley shirka jaraa’id oo ay sida wadajirka u wada qabteen ayaa xusey xiriirka soo jireenka ee labada dal Britian iyo Somalia , waxuuna sheegey in wada hadaladii ay labada dhinac yeesheen la isku afgartey, Dowlada Somaliayana laga sugaayo in ay soo bandhigto baahideeda dhaqaale iyo sida ugu haboon ay dowlada Ingiriiska u caawin karto Soomaaliya.

Deeqdaas gaareysa 61M US Dollar waa barbar socota oo kale 10 milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo dowlada Ingiriiska  ugu talo gashey iney waxa uga qabato arrimaha degdega iyo saxaafada xorta ay ayey tiri Ms Justine Greening, Wasiirada Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Britian.

Ma ahan markii ugu horeysey ee ay beesha caalamku balanqaadaan dhaqaale maaliyadeed oo intaas la’eg hase ahaatee dowlada cusub ee federaalka Soomaaliya ayaa lagu rajo weyn yahay in ay isbedel rasmi ah la timaado si dalalka deeqda bixiya u helaan kalsooni ay ku aamini karto dowlada Somalia isla markaasna suurto galisa in balanqaadyada loogu yabooho Somalia ay sidooda u meel maraan.

Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com