Dagmada Gaalkacyo oo loo doortay Maanta Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeeno+Daawo Sawiro

0
229

Doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenadiisa Dagmada Gaalkacyo ayaa maanta markii ugu horeysay lagu qabtay hotelka Embassy, Ayadoona ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ku xigeenkiisa C/samad Nuur guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo baarlamaanka, Gudiga Maxkamada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka, Maamulkii hore ee Dagmada Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Codbixinta ayaa bilaabatay, ayadoona 36 xubnood oo ka tirsan Golaha Deegaanka islamarkaana laga soo kala xulay Xaafadaha Magaalada codkooda dhiibteen, Kuraasta musharaxiinta ayaa waxaa fadhiyay musharax Siciid Salaad Cilmi iyo Musharax Bile Bashiir Caynab.

intaasi kadib waxaa bilaabatay tirinta codadka musharixiintu heleen, Ayadoona 25cod uu helay Musharax Bile Bashiir Caynab, halka Eng Siciid Salaad Cilmi Siciid bulbul uu helay 7cod, sidaasi daraadeed Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Muuse Cali Salaad ayaa ku dhawaaqay in uu yahay maanta laga bilaabo Gudoomiyaha rasmiga ah ee Dagmada Gaalkacyo Bile bashiir caynab, islamarkiiba Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka mudug ayaa xilkaasi u dhaariyay sida uu qabo xeerka Galmudug.

Eng Siciid Salaad cilmi oo laga guuleystay ayaa u hambalyeyay masuulka cusub Bile Bashiir, Asagoona si wanaagsan u soo dhaweeyay qaabkii doorashdu u dhacday, wuxuuna tilmaamay in uu la shaqeyn doono dawlada hoose ee dagmada Gaalkacyo, wuxuuna shacabka ugu baaqay in maamulka cusub ee dagmada si fiican loo garab istaago.

Kadib waxaa mar kale bilaabatay codaynta Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Gaalkacyo ilaa sadex musharax oo kala ah C/qaadir C/kariin, Macalin Cumaan Cadceed cilmi iyo Maxamed Cali Xasan ayaa isku soo taagay xilkaasi, waxaana tartan ay wada galeen ku soo baxay in uu jagadaasi qabto Musharax Maxamed Cali Xasan, Asagooma noqday Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Gaalkacyo, halka Gudoomiye ku xigeenka 2aad uu noqday Macalin Cumaan Cadceed Cilmi.

Qudbooyinka Madaxda Maamulka ee Doorashadaasi kasoo qayb gashay ayaa la guda galay, waxaana hadlay intii munaasabadu socotay, Gudoomiyaha baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Madaxweyne Ku xigeenka C/samad nuur guuleed, ayagoona si diiran us oo dhaweeyay qaabkii doorashadu u dhacday, hase ahaatee ugu danbeytii waxaa halkaasi qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay qaabkii doorashadu u dhacday, asagoona mahad gaar ah u jeediyay intii ka shaqeysay in munaasabadaan la qabto, sidoo kale Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ayaa soo hadal qaaday Safarkiisii Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, sidoo kale Furitaanka Dakada hobyo wuxuna carabka ku dhuftay in hawsheeda goor dhaw bilaaban doonto, asagoona ugu baaqay Ganacsatada soomaaliyeed inay dhaqaalo ku daran karaan, ugu danbeytii Madaxweynaha Galmudug C/qaybdiid ayaa ugu baaqay Golaha deeegaanka in mudo yar waxbadan ka badalaan hanaan socodka Dagmada iyo hawlaha dowlaha hoose oo ah isha dhaqaalaha laga soo xareynayo si amaanka loogu adkeeyo.

Idale News Muqdisho