Dagaalo Xaley ka dhacey gudaha magaalada Kismaayo

0
189

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xaley ka dhacey dagaalo qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Somaliya Kenya iyo Raaskambooni oo isku dhinaca ah iyo Xarakada Al-shabaab inuu Halkaasi ku dhex maray.

Dagaalkani oo soconayay Saacado ayaa Ciidamada Al-shabaab kusoo qaadeen Huwanta waxaana la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan sida ay Idale News  u xaqiijiyeen dadka deegaanku.

Weerarada ayaa lagu qaaday Saldhiga Kismaayo, agagaarka Madaxtooyada iyo xaafadaha qaar, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo magaalada si weyn u gil gilay.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha, hadana dagaalka ayaa ahaa mid aad u xooganaa, rasaastana ay dhowr meel is qabsatay.

Xoogagii taabacsanaa Shabaab ayaa isaga baxay magaalada, markii weerarada ay fuliyeen, waxaana dagaalkii xalay noqonayaa kii u horeeyay ee gudaha magaalada la isku fara saaro, tan iyo horaantii sanadkaan markii la qabsaday. Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa yimid markii gudaha magaalada ay u galeen xoogag taabacsan Shabaab, kuwaasoo weeraro ku ekeeyay Xarumo Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku sugnaayeen.

Sarkaal ka tirsan dowlada Soomaaliya oo la hadlay saxaafada maxaliga ayaa sheegay inay khasaare ku gaarsiiyeen Kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday wuxuuna xusay inay dib ugu celiyeen deegaanadii ay markii hore kasoo duulaan tageen.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagan maanta walow ay Magaalada Maalimihii ugu danbeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ka waden howl galo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayo.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaayop maalin ka hor markii Taliyaha Amaanka Gobolka Gen Saxardiid uu sheegey in amniga magaalada Kismaayo uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaasna ugu baaqey hay’ada gargaarka ee qaramada midoobey iney yimaadaan gobalka si ay u gargaaraan shacabka ku barakacay dagaalada ka dhacey halkaas.