Dagaalo goos goos ah oo laga soo sheegaayo Degmada Badhaadhe ee Gobalka J/hoose

0
217

Dagaalo soo noqnoqdey una muuqda kuwa ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa shaley iyo maanta ku dhex marayey degaano ka tirsan gobolka Jubada hoose ciidamada Amisom oo ay weheliyaan ku wa dawlada Somalia iyo Kooxda Al Shabaab.

Dagaaladan oo ka dhacay degmooyinka Badhaadhe iyo kulbiyoow ayaa waxa uu sababy argagax ku dhacay dadka degaanka.

Ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada ayaa sheegay in ay daba socdaan meliishaadka Shababaka oo gobolka qeybo ka mida ku sugan.

Sida warar IdaleNews ka helayso dad deegaanka ah oo halkaas ku dhaqan ayaa sheegaya in Ciidamada labada dhinac ayaa isaga hor yimi dagaalo jilbaha la isu aastay, halka mararka qaarna madaafiic la is weydaarsaday.

Ma cada khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay haddii ay noqon laheyd dhinacyadii dagaalamay iyo dadkii deegaanka ee lagu dul dagaalamay.

Xaalada ayaa saaka kacsaneyd waxaana degaanada qaar lagu arkayay dabaabaadka Amisom oo jiidaha la isku hor fadhiyo ku sii qulqulaayo

Labada ciidan ee uu dagaalku duleedka Degmada Badhaadhe iyo qeybo kale oo Gobolka Jubada Hoose ka tirsan ayaa ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin dagaalada laga soo sheegaayo deegaanadaas iyo sida uu hadda xaalka halkaas ka jira uu yahay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com