Dagaalkii Magaalada Baladweyne Oo Wada Hadal Lagu Bedalayo

0
200

Baledweyne(INO)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya kulamo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaal beeleed dhawaan ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug ayaa ku sugan magaaladaasi, kuwaasi oo si gaar gaar ah ula kulmi doona dhinacyadii ku dagaallamay magaaladaasi.

Habeenkii xalay waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay kulamo lagu baadi goobayo nabad ka dhalata magaaladaasi.

Shalay waxaa Baladweyne tagay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirada Amniga gudaha, Macdanta iyo Batroolka, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Waxa ay doonayaan xubnahani in lasoo afjaro colaadda Baladweyne, waxaana maanta ay la kulmi doonaan waxgaradka Labada dhinac.

Saaka xaaladda Magaalada Baladweyne waa mid deggan, xilli Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay halkaasi ay ka socdeen dagaallo sababay Dhimasho, dhaawac iyo Barakac.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here