Dagaal khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
924

Xudur (INO)—Ugu yaraan 5 Ruux ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal Culus uu ka dhacay Duleedka Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Koonfur Galbeed, Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Moorogaabeey oo qiyaas ahaan 45Km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in 3 Askari oo Itoobiyaan ahaa iyo labo kale oo lagu sheegay Soomaali in ay ku dhinteen Dagaalkaasi Xooganaa oo ka dhacay Gobolka Bakool.

Goobjooge la hadlay IdaleNews.com ayaa waxuu sheegay in Dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab ay Weerar rogaal celis ahaa ku qaadeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa  Koonfur Galbeed oo la wareegay Degaanka Moorogaabeey.

Xoogaga Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliy ayaa weli gacanta ku haya Degaanka Moorogaabeey oo qiyaas ahaan 45Km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Xudur.

Ugu dambeyntii, Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Dagaalkan lagu gaarsiiyay Xarakada Al Shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay