Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay

0
211

Bardaale (INO)—Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab waxuu ku dhexmaray Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay Weerar gaadmo ahaa ku qaadeen Kolonyo ay wateen Ciidamada Dowladda kuwaasi oo ka soo amba baxay Magaalada Bardaale kuna sii jeeday Degaanka Awdiinle ee Gobolkaasi Baay.

Guddoomiyaha Gobolka Bay, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 5 Askari balse ay ku Dileen 2 ka mid ahaa Al Shabaab islamarkaana ay ka furteen Quryahooda.

Dhinaca kale, Sarkaal Al Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegtay in Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 15 Ruux oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya balse ma jiro ilo ka madax banaan oo ka xaqiijinaya khasaarahaasi.

Ugu dambeyntii, Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Xaalad haatan ay tahay mid deggan inkastoo maanta uu halkaasi ku dhexmaray Dagaal Culus Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Idale News Online, Bardaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here