Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo dagaalka uu muddo saacado socday.
Sida ay sheegayaan wararka ilaa 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay ka saareen dhufeysyo ay ku lahaayeen deegaankaas, iyadoo dagaalka guulo ka sheegtay.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa dhankooda dagaalka ka sheegtay in Al-Shabaab qasaare xoogan ku gaarsiiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku suagn yihiin deegaanka lagu dagaalamay oo saldhig u aheyd ciidamada, iyadoo Al-Shabaab isaga tageen goobta.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeellow ayaa ahaa deegaan horay u soo baneeyen ciidamada dowladda oo ka cabanayay mushaar la’aan, iyadoo maamulka Gobolka Bay uu markii dambe sheegay inuu dib u celiyay ciidamada.


