Dagaal Beeleed dib uga qarxay Degmada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
217

Marka ( INO)-Sida ilo deegaanka ah ay  S ugu warrameen waxa a maanta dib dagaal beeleed uga qarxay Magaalada Marka , gaar ahaan Xaafadda Buulojaan ee Magaaladaasi.

Dagaalka oo u dhexeeya labo Maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay in uu geystay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida Goob Jooge la hadlay Shabelle uu   noo xaqiijiyay.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa barqanimadii maanta qarax lagula eegtay Magaalada Marka, kaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyadoo lagu soo warramayo in isku socodkii gaadiidka , dadka iyo ganacsiga kadib qaraxa iyo dagaal beeleedka ka dhacay Magaalada Marka la xannibay.

Dagaal Beeleedyada ayaa ku soo noq noqday Magaalada Marka iyo deegaanada kale ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoona dhowr jeer oo hore xal la kala dhex dhigay dhinacyada dagaalamaya laakiin ma jiro wax ka soo naasa cadaaday.

Idale News Online, Marka