Dadweynaha reer Jabuuti oo saaka u dareeray doorashada baarlamaaniga dalkaas

0
200

Dadweynaha reer Jabuuti ayaa saaka u dareeray doorashada Baarlamaanka dalkaas, kaasoo ay ku soo dooranayaan ilaa 65-xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Jabuuti.

Shalay ayay aheyd markii la soo gaba gabeeyay ololaha doorashada, waxaana saaka dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan sidii cododkooda ay ugu dhiiban lahaayeen goobaha la dhigay sanaadiiqda cod bixinta.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya ilaa saddex xisbi oo labo ka mid ah ay mucaarad yihiin, iyadoo ay tahay markii u horeysay taariikhda muddo 10-sano ah oo mucaaradka loo ogolaado inay ka qeyb qaataan doorashada baarlamaanka.

DJIBOUTI-votes

Goob joogayaal caalami ah oo ka socda Midowga Afrika iyo IGAD ayaa kormeeraya qaabka ay u dhaceyso doorashada, waxaana sanaadiiqda cod bixinta la dhigay ilaa 442-goobood si ay dadka ugu fududaato inay cododkooda dhiibtaan.

Magaalada Jabuuti ayaa laga soo dooran doonaan ilaa 35-xildhibaan, halka 30-kalena ay ka imaan doonaan gobolada kale, waxaana doorashadan ay tahay mid aad uga duwan doorashooyinkii hore.

Ammaanka goobaha cod bixinta ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo fiiro gaar ah lagu haayo doorashada baarlamaanka Jabuuti.

Idale News Muqdisho