Dad saarnaa Gaari ay Al-shabab qabteen oo diiday in loo kala saaro Muslim iyo Kiristaan kadibna la sii daayay

0
219

Mandheera (INO)-–Shalay Subaxii hore koox hubeysan ayaa waxaa ay Gaari Bas ah ku qabteen degaan u dhaxeeya Katulo iyo Ceel-waaq ee Waqooyi Bari Kenya.

Dadkaas,waxaa ay isugu jireen Muslim iyo kuwo aan ahayn,waxaana markii ay badbaadeen kadib la hadleen Warbaahinta.

Cabdi Max’ed Cabdi oo Muslim ah kana mid ahaa Rakaabka Gaariga saarnaa ayaa u sheegay Daily Nation in Ragga Gaariga qabsaday ay ahaayeen Al-shabaab,kana koobnaa 10 Nin oo hubeysan.

Waxaa uu sheegay in agu war geliyay in ay u kala baxaan Muslim iyo Kiristaan,waxaase dadkii Muslimiinta ahaa ay diideen in ay u kala baxaan dalabka Al-shabaabna fuliyaan.

Dadkii Muslimiinta ahaa ayaa g’aansaday in aysan is sheegin,kana horyimid dalabka dadka ka tirsanaa Al-shabaab,waxana markaas kadib Rasaas ay fureen ku dhintay Labo Ruux iyaga oo sidoo kalena dhaawacay 4 kale.

Cabdi ayaa Reuters u sheegay in qaar ka mid ah Dadka Kiristaanka ah ay u xireen Dharka Islaamka,si aan loogu fududaan,taas oo adkeysan in Al-shabaab xitaa ay kala saaraan dadka,waxaana uu intaa ku daray in ay ka tageen iyaga oo ku hanjabay in ay soo laaban doonaan.

Reuters ayaa qortay in Afhayeenka Al-shabaab ee dhanka howlgallada Cabdi Caziiz Abuu Muscab uu sheegay in Rag iyaga ka tirsan ay ka dambeeyeen falkaasi,inkasta oo uusan faah faahin dheeri ah ka bixin sida ay wax u dhaceen.

Julius Otieno, oo ah ku xigeenka Guddoomiyaga Gobolka Mandhera ayaa sheegay in Gaariga Rasaasta ay ku fureen dad ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab kadib markii sida uu sheegay Wadihii Gaariga uu diiday in uu joojiyo.

Idale News Online, Mandheera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here