Baydhabo(INO)- Waxaa Xaley Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ka dhacey xuska sanad guurada koowaad ee xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Sheekh Aaden oo 17 November Sandkii 2014ka loo doortay madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafladii Xaley ayaa madaxweynaha uu ka jeediyey khudbad balaaran oo uu kaga hadlay wax qabadka dowladiisa ay gaartay mudda sanadka iyadoo ay jirto in dhamaadkii sanadkii 2014kii wasaaraduhu soo bandhigeen wax qabadkooda.
Waxaa xafladii Xaley ka qayb galay Golayaasha dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, masuuliyiin horay xilal kala duwan usoo qabtay, Odaayasha Dhaqanka Abwaano, dadweynaha qaar ka mida iyo mart sharaf kale oo beesha caalamka ka mid tahay.
Halkan Ka Daawo:
Idale News Online, Baydhabo