Muqdisho(INO)— Xaflad si heer sare loo agaasimay oo lagu daahfurayay dib u howlgalinta Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ aya maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlada, baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, hay’ado caalami ah iyo saxafiyiin isugu jiray kuwo ka kala yimid gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare AVV Ceydiid Ilkaxanaf ayaa ka mid ahaa martisharaftii lagu casuumay xafladan waxana uu halkaa ka jeediyay qudbad dheer.
Munaasabadan oo si toos ah loogaga daawanayay taleefishinka Universal ayaan goor dhow idiin soo gudbin doonaa nuxurkii qudbadaha halkaa laga jeediyay.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella,Idale News Online, Muqdisho