Baydhabo(INO)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa goor dhawayd ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaaya Xubno ka tirsan Dowlada Ethiopia, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu kamid yahay KGS iyo xubno ka kala tirsan labadiisa Golle.
Wasiir Tedros Adhanom, ayaa kamid ahaa madaxda lagu casuumay ka qaybgalka xaflada caleemasaarka Gudoonka Baarlamanka KG Soomaaaliya oo ay maanta ka dhacaysa Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isna lagu wadaa in goor dhow uu gaaro magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo
Warark Caleemo Saarka waxii ka soo kodho kala soco idale News Online
Idale News Online, Baydhabo