Daawo:Wasiir ku xigeenka Ganacsiga DF & Xildhibaano Booqday Warshadaha Gobolka Bay

0
314

Baydhabo(INO) — Wafdi uu Horkacayo Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Keeroow iyo xildhibaanno Baarlamaanka FS ka tirsan ayaa Maanta Booqday Warshadaha ku yaalla Gobolka Bay.

Warshadaha ay mas’uuliyiintu maanta booqdeen ayaa waxaa ka mid ah; Warshada sameysa Isbuunyada, Warshada Sifeynta Biyaha, Warshada sameynta, alaabta lagu qurixyo Guryaha iyo tan bulkeetiga farsameysa. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay warbixinno kala duwan ka dhageysteen Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, C/llaahi Mad-Watiin, Milkiilayaasha iyo Howl-wadeennada Warshadaha.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo badanaya Shirkaddo Cusub oo ay leeyahiin Dad Ganacsato iyo Qurbo-joog isugu jira oo ku sugan Baydhabo, waxaana ka muuqda Horumar la taaban karo oo isugu jira Dhismayaal cusub iyo Warashado.

Dhanka kale, Toddabaadkan ayaa waxaa safarro ku yimid Baydhabo Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolka Bay iyo Wasiirro ka Tirsan Dowladda dhexe, iyagoo booqashdooda ay salka ku haysay ka qayb-qaadashada xulista xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed.

Ugu dambeyn, xulista xildhibaannada Koonfur-galbeed  Somalia ayaa ka socota degmada Baydhabo, iyadoo kulammo kala u socdaan oday-dhaqameedyada ka soo jeeda Gobollada uu ka taliyo Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here