Muqdisho(INO)-Duquu hore ee caasimada Muqdisho ahaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Tarsan ayaa farriimo kulul warbaahinta u mariyay dawlada Soomaaliya iyo madaxda dalka guud ahaan.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu dhawaan yiri cadawgeena labaad waa kuwa had iyo jeer farta ku goda dhalliilaha dawlada iyo madaxda.
‘Madaxweynuhu wuxuu yiri cadawgeena 1aad Al-shabaab weeye. Cadawgeena 2aad waa kuwa dulduleelkeena sheegaya oo farta ku fiiqaya’. Sidaa ayuu yiri Tarsan.
‘Dadkii saxda u sheegi lahaa oo dhihi lahaa khalad ayaad kujirtaa meeshaas ayaad ka gaabisay meeshii uu dhihi lahaa aadbaad u mahadsan tihiin ayuu yiri waa cadawgeena labaad’. Intaa ayuu raaciyay.
Wuxuu sheegay in cadaw aysan dawlada dadkaasi ku ahayn ee ay dawlada iyo madaxda saxayaan. Wuxuu kaloo sheegay in dawlada iyo madaxdu ay maqan yihiin. ‘Miyirkiinaa maqan; anakaa miyir leh marka; Marka waan idiin sheegeynaa waxaan leenahay, war meeshaas ayaad ka qaldan tihiin. Maahan macnaheedu inaan idin caayeyno ama idin habaareyno ama inaan idin neceb nahay’.
Wuxuu kaloo aad ugu nuuxnuuxsaday duqii hore ee Muqdisho Mr. Tarsan in ay adag tahay in lala kulmo madaxda dawlada sidaa darteedna uu go’aansaday inuu farriimahaa u mariyo hawada ama warbaahinta.
“Si kale oo aan wax idiinku sheegno maleh. Laidinma arki karo oo .. ayaad albaabadii dhigateen. Dadkana waxaad ku soo galisaan yaa idin jecel ama been idiin sheegaya. Ama yaa waxaan jecelahay idiin sheegaya ayaad kusoo galisiin”. Sidaa ayuu yiri.
“Marka waxay noqoneysaa inaan idaacaha idiinkaga sheegno oo ay idin dhahaan hebel saasuu dhahay iyo hebel saasuu dhahay. Anaga hana cadawsanina oo hana dhihina cadawgeena labaad weeye. Cadaw labaad ma nihin. Wadankaan hadaad hagaajisaan Wallaahi ninka ugu horeeyoo idin taageeraaya ayaaan ahay. Hadii aad ummadaan wax u qabataana ninka ugu horeeya oo idin taageeraya ayaan ahay. “
Wuxuu sheegay in madaxda haatan waxqabadkoodu yaryahay.
“Ummadaan waxba uma haysiin adinkaa isku mashquulsan. Naftiinaad ku mashquulsan tihiin. Ummadaan kama fakartiin. Iskuulkaad dhisteen noo sheega, horumar baan gaarnaad leedihiine. Dugsi hoose oo aad dhisteen ma jiraa? Biyo macaan oo nadiif ah ilmo aad gaarsiiseen majiraan? 2dii isbitaal oo waaweynaa gacan shakhsibey kujiraan’. Sidaa ayuu sheegay.
Isbitaalada uu ka hadlaayay waxaa ka mid ah Digfeer oo hayad Turki ah ay gacanta ku heyso iminka.
“Meeqa sanaad heysatiin? Gacanta ma kukusoo celin kartiin lacagbaa laga qaadaaye? Kaniini sun ah baa la keenay; maxaad ka qabateen? Cunto dhacdaybaa la keenaa ee maxaad ka qabateen?” Suaalahaa oo dhan ayuu duqii hore Mr. Tarsan weydiiyay.
“Shaqo dadka ma u abuurteen? Maxaad qabateen? Maalinkasta dadkeenii baa la laynahayaa. Ayadoo meydka dadkeenii dhisme kudumay ayaa xaflad 26 la samaynahayay oo la boodboodahayay. War wadanka waa laidinla leeyahay kaligiin ma lihidin”.
Wuxuu kula taliyay madaxda inaysan dalka marin habaabin isla markaana aysan ummada collaysan.
“Madaxbaa Ilaahay idiinkaga dhigay madaxnimadana laidiinma diidana. Laakiin wadanka hawtul hamag ha ka ridina. Damaciina..Madaxdaay ummadiina ha colaadsanina. Udira dadka-soo marmara dhaha dareenka laidinka qabo. 80% idin ma rabto. 80% waxay aaminsan yihiin inaadnaan waxba qaban. Miyaydnaan xishooneyn? Miyaadnaan dareen lahayn?” Sidaa ayuu yiri.
Ugu dambeyntii, wuxuu kusoo gunaanaday hadalkiisa in heerkaa markii wax gaaraan ay tahay in madaxdu xilka wareejiyaan.’Waa laga tagaa marka heerkaas la gaaro’.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay