Allepo(INO)- Magaalada Aleppo oo dagaallo faraha looga gubtay ay ka dhaceen ayaa shaqaalaha caafimaadka ee ku sugan magaaladaasi sheegayaan in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar loo maleynayo in loo adeegsaday kiimiko sun ah oo lagu qaaday qaybta mucaaradka ay ka joogaan magaaladaasi.
Sidoo kale goobaha caafimaadka ayaa la dhigay dad tiro badan oo ku dhaawacmay weeraradaasi iyo kuwo sunta waxyeeleysan.
Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegaya in suntaasi loo maleynayaa in ay tahay kiimikada kalooriinta oo hawada laga soo riday.
Dowladda iyo mucaaradka Suuriya ayaa horey labaduba u beeniyay in ay hubka kiimikada ay u isticmaaleen dagaalka.
Kaddib dagaal ba’an oo ka jiray magaaladaasi ayaa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxa ay sheegtay in ciidamadooda ku sugan magaaladaasi ay hakinayaan hawlgalkooda milatari maalin kastaa muddo saddex saacadood ah laga billaabo maanta oo khamiis ah si gargaar loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.