Muqdisho(INO)—Serena Williams ayaa ku guuleysatay markeedii lixaad tartanka Tenniska ee hablaha ee Wimbledon kadib markii ay ka guuleysatay Garbibe Mugruza.
Ciyaarta finalka ayaa gabadha reer Maraykan ee kaalinta 1aad ugaga jirta ciyaarta Teniska waxa ay la ciyaartay gabar u dhalatay dalka Spain oo 21 jir ah oo kaalinta 20aad kaga jirtay qiimeynta teniska caalamka balse timid kaalinta kama dambaysta ah ee tartankan ka dhacayay magaalada London.
Guushan ay gaartay Serena ayaa hal tallaabo waxa ay ugu jirsatay in ay ku guuleysto muddo hal sano ah afarta tartan ee ciyaarta Tenniska caalamka. Waxayna noqotay Serena qofkii ugu da’ada weynaa ee ku guuleysta tartanka Wimbledon iyadoo 33 jir ah.
Williams ayaa si sahlan ugaga badisay Muguruza 6-4, 6-4. Muguruza, balse markii ay gabadhan reer Spain ay aragtay in si deg-deg ah loogaga badiyay ayaa la arkay iyadoo ilmeyneysa.Williams oo markii ugu dambeysay ku guuleysatay Wimbledonka sanadkii 2012kii ayaa ka hadashay sida ay u aragto guushan ay gaartay maanta.
“Marnaba kuma riyoon in aan mar kale ku guuleysan doono tartankan waxayna ii tahay farxad in aan markale ku guuleysto tartankan sanado badan kadib weliba garoonkan aan caadiga ahayn.”ayay tiri Sarena Wiliams.
Ciyaarta ayaa si dhaqso ah u soo dhamaatay kadib markii ay qalad gashay gabadhii la tartamaysay Williams oo qoyskeedu uu caan ku yahay ‘Xitaa aniga ma ogeyn in ciyaartu ay dhamaatay,’ayay tiri Willams iyadoo eegeysa gabadha la tartamaysay oo 12 sano ka yarayd waxayna sii raacisay: ‘Hambalyo fadlan ha murugoon. ‘I rumeyso ma dheera waqtigaad ku guuleysan lahayd koobkan.
Serena Williams oo tartankan u ahaa keedii 25aad ayaa ka soo badisay walaasheed Venus Williams oo ka reebtay tartankan. Tartamada Tenniska ayaa caalamka si weyn looga daawadaa iyadoo lacag faro badan lagu daawado.