Daawo:Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan A-Qaacida Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Libiya

0
222

Libiya(INO)— Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida oo amray weerarkii labo sano ka hor lagu qaaday warshad gaaska oo ku yaal dalka Al-geria ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Mareykanka ka fuliyay dalka Libiya.

mokhtar-belmokhtar-large-169

Mokhtar Belmokhtar iyo dagaalyahano kale ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo habeenkii sabtida ka dhacay bariga dalka Libiya, gaar ahaan magaalada Ajdabiya, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda Libiya.

Dowladda Mareukanka ayaa xaqiijisay inay beegsaday Belmokhtar, hase ahaatee ma aanay sheegin inay dishay.
Waaxda Pentagon-ka Mareykanka ayaa iyana xaqiijisay in weerarkaas uu si guul ah ku dhacay, balse ay wali raadinayaan natiijadiisa rasmiga ah

Mokhtar Belmokhtar oo u dhashay dalka Al-geria ayaa waxaa uu horay xubin sare ka noqday Al-Qaacida Maghreb ee waqooyiga Afrika.

Mareykanka ayaa horay u soo saaray eedeymo ka dhan ah falalka argagixisada iyo inuu sidoo kale qatar ku ahaa danaha reer galbeedka.

Ninkna ayaa dhowr jeer oo hore la sheegay in la dilay, balse ay beenowday, waana nin taariikh dheer ku lahaa dhinaca dagaalada uu ka waday waqooyi galbeed Afrika, isagoo mid ka mid ah ishiisa ku waayay.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Libiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here